Mujaahidiinta Alqaacida oo ku guuleystay dilka Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Maali.

photo_2015-12-07_08-08-15

Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Mu’assasada Andalus ay ku leedahay Internetka ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamo katirsan Mujaahidiinta ay ku guuleysteen iney Iqtiyaalaan Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Maali, islamarkaana u shaqeyn jiray Sirdoonka dowladda Faransiiska ee dagaalka kula jira Islaamka iyo Muslimiinta.

Bayaanka Andalus ay soo saartay waxaa lagu sheegay in maalintii Isniinta oo ku beegenyd 27 Shawaal ay Mujaahidiintu ku Iqtiyaaleen magaalada Tembakto Korneelkan oo lagu magacaabo Xamaata Agh Aw Maala.

Sarkaalkna la khaarijiyay wuxuu wada shaqeyn fiican la lahaa Sirdoonada dowladaha Faransiiska iyo Murutaaniya, waxaana uu caan ku ahaa dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta Mandiqadda Saxaraha ka howlgala, isagoona ka dambeeyey dilka labo Mujaahid oo katirsan Alqaacidad Maqribul Islaam, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Mu’assasada warbaahineed ee Al-Andalus.

Mujaahidiintu waxy ku hanjabeen iney beegsan doonaan cid waliba oo ka qayb qaadata dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta Maqribul Islaam, waxaana saraakiisha harsan ay ugu baaqeen iney towbad keenaan inta aanu gaarin seyfta Mujaahidiinta.

Awooda Mujaahidiinta Maqribul Islaam ayaa sii kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana muuqata in awoodooda dhanka Istiskhbaaraadka ay sare kac siii sameyneyso, waxaana si guud Mujaahidiinta Caalamka laga dareemayaa hana qaad dhan waliba leh, waxaana arimahaas oo idil ka fahmi kartaa markaad daawato Isdaaraadka ay soo saaraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.