Nolosha geelleyda jubada dhexe ku sugan (Sawiro+Warbixin)

Deegaanka araboow ee gobalka jubada dhexe waa mid ku wanaagsan dhaqashada xoolaha gaar ahaana geela.

Waxaa ku xeeran dhul boqolaal kiilow mitir oo howd ah ceelna aan lahayn.

Dadka iyo duunyadu waxay ka cabaan waro waaweyn oo xilli roobaadka biyuhu galaan.

Hadda waxaa lagu jiraa xilliga xagaay ah geel fara badan ayaana daaqaya howdka qaarkii ayaana ku soo hoyda xeryo guul oomane ah si uu u soo gaaro waraha dabdeedna loo waraabiyo.

Midka mid ah safaradeyda dalxiis iyo caano doonayasho ayaan dhawaan ku qaatay araboow iyo deegaano aan ka fogeyn waxaana kabaahi beelay caanaha geela oo yaranteydi la igu soo koriyay.

Warta la yiraahdo sariiraha oo qiyaastii 25 kiilow mitir arabow ka xigta dhanka magaalada buu’aale ayaan tegay xilli duhur ah oo geelal fara badan la soo oromay.

Howsha socataahi ma ahan tii reer magaalku yaqiineen jaahil ayayna ka yihiin shaqada xowliga ah ee ay hayaan raga khibradda u leh dhaqaaleynta geela.

Midkoodna ma wato qalin iyo buug bedelkana waxaa ugu jira doobte, ul iyo wixii kale ee la mid ah,

tacliintiisuna waxay u badan tahay mid geela ku saabsan taasoo aan iskuul loogu dhigin balse waayuhu bareen.

Rag da’dooodu kala duwan tahay ha yeeshee qiyaastii u badan 20, 30 ilaa 45 sano ayaa si shaqada inba meel looga aadiyay si geelu biyaha uga dhergo ama u wabxo.

Qaar ayaa darka dusha ka taagan iyagoo ulo haysta si ay u celiyaan heshii in ay cagta dhex geliso isku dayda.

Qaar kale ayaa qeyb ka mid ah geela horaya kuwana waxay dhanka darka u soo kaxeynayaan neefkii biyaha cabay laakiin wax u diman yihiin.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA GEELA DEEGAANKA ARABOW

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29

30

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.