Odayaasha baarlamaanka soo xulaya ma metelaan shacaka soomaaliyeed?
Dowladda federalaka ah, Dowlad gobaleedyada, waxa loogu yeero beesha caalamka iyo odayaal ka soo jeeda qabaa’ilada soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay ku howlan yihiin sidii loo soo xuli lahaa barlamaan cusub.
Odayaashaas ayaa ku xareysan muqdisho waana kuwo ilaalo laga hayo maadaama ay faraha la galeen arin dalka iyo dadka iyo diintaba aan u adeegeyn maxaa yeelay xildhibaanada la soo xulayo waxa ay bedelayaan kuwa iminka jooga ee hadba shisheeyuhu wuxuu rabo u meel mariya.
Nabadoon muxumed qooje faarax oo ka tirsan indheer garadka soomaaliyeed ayaa sheegaya in aanay odayaashaasu beelaha soomaaliyeed metelin.
Wuxuu intaas ku daray in aanay wax la dhowro karo ahayn in gaalo dalkaada kuugu timaado hadana iyadu wax kuu meeriso.
Wareysi ay xalay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in dadka soomaaliyeed isku tashadaan oo ay galaan dagaal jihaad ah oo ka dhan ah shiseeyaha soo duulay.