Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Kaabul.

8201522172254629

Wararka ka imaanaya saaka oo Isniin ah magaalada Kaabul waxay ku waramayaan in goordhow laga maqaly hotel ay magaalada ka deganyihiin Saraakiil katirsan Nato qarax xoogan oo Istish-haadi ahaa sida wararka horudhac ah sheegayaan.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari xamuul ah ayaa waxaa lagu weeraray hotel ay xilligan ku howlgalayeen Saraakiisha ururka Naato ee ku duulay dalka Afqaanistaan oo ku yaala meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Kaabul.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah illaa iyo hadda ka dhashay weerarkan xoogan, waxaana xusid mudan in mas’uuliyadda Weerarku sheegatay Xarakada Islaamiga ah ee Dhaalibaan, waxaana ay sheegtay Imaaradu in tobanaan ruux ay ku dileen Weerarkaas.

Saraakiisha Amaanka Kaabul oo hadlay waxay sheegeen inay xireen wadooyinka soo gala hotelka la weeraray, iyadoona guud ahaan Kaabul ay ka dansantahay Korontada qaraxa xoogiisa awgeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.