Ruushka oo wali wada xasuuqa ka dhanka ah Reer Suuriya.
Dowladda Ruushka oo dagaal furan kaga jirta dalka Suuriya ayaa wada gumaad bahalnimo ah oo aan loo meel dayin kaas oo ay kula kacayso Shacabka muslimka ah ee dalkaas, waxaana maalin kasta Reer Shaam sagootiyaan dad Shuhado ah.
Maalintii shalay oo Isniin ahayd waxaa diyaaradaha Ruushku duqeymo ka geysteen xaafadaha magaalada Xalab iyo deegaanno dhaca baadiyaha Dimishiq, waxaana ku shahiiday Tobanaan Ruux oo shacab ah.
Xaafadaha ugu badan ee diyaaradaha Ruushku beegsadeen waxaa kamid ah Al-Ansaari, Al-Sakri, Raamuusa oo kamid ah xaafadihii dhawaantan la wareegeen Mujaahidiinta Jayshul Fatxi.
Sida ay sheegayaan ilo Caafimaad oo la hadlay warbaahinta, dhimashada guud ee duqeymaha ka dhacay Baadiyaha Dimishiq iyo Xalab waxay gaarayaan 40 Ruux oo Caruur iyo dumarba ay ku jiraan.