Sarkaal sare oo katirsan Calawiyiinta Bashaar oo lagu dilay gobolka Xalab.

820162801221655

Sida ay baahiyeen Siyaasiyiin isticmaasha baraha Bulshada kuwada xiriirto islamarkaana ku dhow dhow Nidaamka Bashaar Al-Asad, waxaa gobolka Xalab lagu dilay Sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Nidaamka Bashaar Al-Asad.

Sarkaalkan oo ku dhintay dagaallada ka socoda xaafado katirsan magaalada Xalab ayaa waxaa lagu magacaabaa Aasif Kheyrbak, waxaana uu ahaa taliyaha Ciiidanka Kulyadda Madaafiicda, waxaana uu kamid ahaa saraakiisha ugu muuqata ee hogaamineysay dagaalka kulul ee ka socoda magaalada Xalab.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in dhaawac halis ah uu kasoo gaaray dagaal ka dhacay xaafadda Raamuusa,waxaana uu u geeriyooday dhaawacaas halista ah ee soo gaaray.

Dilka Sarkaalkan waxay dhabar jab xoogan ku tahay Nidaamka Suuriya oo ciidamadiisu iyo Saraakiishooda ugu sarreysay ku la’anayaan dagaalka Jihaadka ah ee ka socoda dalka Suuriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.