Sarkaal Sare oo Maraykan ah oo booqasho ku tagay dalka Turkiga.
Iyadoo dhawaanahan ay jirtay xurguf iyo mugdi u dhexeeya dowladaha Maraykanka iyo Turkiga oo ku aadan afgembigii fashilmay ee 25 kii bishii hore ka dhacay dalka Turkiga ayaa dowladda Maraykanka waxay haatan isku dayaysaa in cilaaqaadka labada dal sidiisii hore lagu soo celiyo.
Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Maraykanka ahna la taliyaha dhanka Milliteri ee madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ninka lagu magacaabo Josev Danford ayaa gaaray magaalada Ankara oo ah caasimadda dalka Turkiga, waxaana uu halkaas kula kulmay Rasiisul wasaaraha dalkaas Yoldarem iyo taliyaha ciidamada dalka Turkiga.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Turkiga, wuxuu Jeneraalkan aad u cambaarayay isku daygii lagu doonayay in lagu afgembiyo Rajab Dhayib Ordogan, isagoona sheegay in Maraykanku garab taaganyahay waxay ugu yeereen Dimuqraadiyadda ka jirta dalka Turkiga.
Ra’iisul wasaaraha Turkiga Yoldarem ayaa ku tilmaamay dowladda Maraykanka iney tahay bah wadaagtooda islamarkaana muhiim ay tahay in Maraykanku uu si cad u muujiyo mowqifkiisa ku aadan Afgembiga fashilmay.
Markii uu Turkiga yimid Josev Danford oo ah jeneeralka ciidan ee ugu sarreeya Ciidamada Maraykanka waxaa banaan baxyo dhigay dad Turki ah, kuwaas oo ku eedayay ninkan inuu abaabulay afgembiga fashilmay, waxaana intii uu isagu imaan lahaa ay sheegeen iney muhiim ahayd inuu soo diro Siyaasiga Fatxullahi Golan oo dowladda Turkidu ku eedeyneyso inuu abaabulay Afgembigi fashilmay.
Sarkaalka Maraykanka ayaa sidoo kale wuxuu booqasho ku tagay saldhiga Anjarlik ee ay ku suganyihiin Ciidamada iyo diyaaradaha duqeymaha Arxan darrada ah ee lagu laynayo muslimiinta Ciraaq iyo Shaam fuliya, waxaana uu halkas kula kulmay ciidamo iyo Saraakiil.