Sheekh Cabdiqani”Maraykanka Waxaa Kusii Badanaya Nacaybka Loo Hayo Muslimiinta”
Imaam iyo Nin La Socday ayaa dhawaan Lagu dilay Magaalada New York ee Dalka Maraykanka.
Muslimiin Caraysan ayaa isku soo bax ka dhigay New york iyagoo dalbaday in lasoo qabto Ninka dilka gaystay.
Sheekh Cabdiqani Qardhaawi oo Ku sugan Dalka Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka ay kusoo badanayaan nacaybka loo hayo Muslimiinta.
Waxa uu sheegay in imaamka la dilay ay ka horeeyeen Toogasho Loo gaystay laba Wiil oo kasoo baxay Masjid.
Madaxda Maraykanka marka la dilo qof kirishtaan ah waa ay canbaareeyaan balse kama hadlaan tacadiyada lagula kaco Muslimiinta.
Arimo kale oo ku saabsan xisbiyada Maraykanka ee Ku tartamaya Doorashada ayuu Sheekh Cabdiqani dhan kale kusoo hadal qaaday waraysiga laga qaaday.