Sirdoonka Dowladda Iiraan oo Xabsiga u taxaabay Mas’uul sare oo katirsan dowladda.
Warbixinno xasaasi ah oo ay baahiyeen qaar katirsan Webstiyo ka ag dhow Sirdoonka Iiraan ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay Sarkaal sare oo katirsan gudiga qaabilsan Hubka Nuclearka kadib markii lagu helay fal Jaajuusnimo ah.
Mas’uulka la xiray waxaa lagu magacaabaa Cabdi Rasuul Asfahaani, waxaana uu kamid ahaa wafdigii dowladda Iiraan uga qayb galay wadahadaladii Nucelarka, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay dadka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani.
Mowqica lagu magacaabo Nasiim Online ayaa baahiyay warbixin uu ku xaqiijinayo warkan isagoo soo xiganaya Saraakiil iyo Xillibaano katirsan dowladda Iiraan, waxaana uu sheegay in Cabdi Rasuul uu macluumaad xasaasi ah siiyay dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku aadan nidaamka Maaliyadeed ee dowladda Iiraan, taas oo keentay in cuquubado dhanka dhaqaalaha ah lagu soo rogo dalka Iiraan.
Markii uu fashilmay Afgembigii dalka Turkiga ayaa wafdi heersare ah oo ka socoda dowladda Iiraan waxay soo gaareen dalka Turkiga, waxaana Cabdi Rasuul uu isku dayay inuu raaco wafdigaas si markaas kadib uu ugu cararo dalka Canada, balse waxaa tallaabadaas fahmay sirdoonka oo markiiba gacanta ku dhigay.
Siyaasiyiinta dalka Iiraan ayaa aad u baahinaya khabarkan, iyagoona sheegaya in heshiiskii Nucelarka uu ahaa mid Iiraan ku fashilantay maadaama rageedii ugu weynaa ee wadahadalada u dirteyba ay Jawaasiis u ahaayeen dowladaha Reer Galbeedka.
Dowladda Iiraan ayaa caan ku ah dal-dalaada dadka ku lugta leh jaajuusida Arimaheeda Nuclearka, waxaana laga yaabaa in Cabdi Rasuul uu maro dhabihii qaar katirsan Asxaabtiisa ee ah dal-dalaada.