Taxaalufka Carbeed oo duqeymo ka geystay magaalada Sancaa.

09-08-16-660939194

Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in diyaaradaha Taxaalufka ee uu hogaamiyo maamulka Aala-Sucuud uu duqeymo xoogan ka fuliyay magaalada Sancaa oo ah caasimadda dalkaas.

Duqeymaha oo gaaraya illaa saddex Duqeymo oo aad u xooganaa ayaa waxaa fuliyay diyaarado Taxaalufku leeyahay kuwaas oo beegsaday sida warbaahintu sheegayaan Fariisimo Milliteri oo maleeshiyaadka Xuuthiyiintu ku leeyihiin gudaha magaalada Sancaa.

Goobaha la duqeeyay waxaa kamid ah xaafadda Al-Nadeyn ee ku teedsan Aqalka madaxtooyada Yaman oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Shiicada, waxaana duqeymaha lasoo wariyay aan jirin khasaare ay geysteen oo la shaaciyay marka laga reebo burburka guryo ku yaalay goobaha la beegsaday.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Sancaa ayaa guud ahaanba hakiyay howlihiisii duulimaadka cabsi laga qabo duqeymo uu la kulmo darteed.

(hypecloth.com)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.