Trump oo mar kale ku hanjabay inuu dalka Maraykanka ka eryan doono dadka Sharci la’aanta ah.
Musharaxa Jamhuuriga ah ee Donald Trump ayaa mar kale wacad ku maray inaanu ogolaan doonin in dalkiisa ay kusii sugnaadaan dadka Soo galootiga ee sharci la’aanta ah.
Kulan ay soo qaban qaabiyeen Taageeriyaasha Trump ayuu ku tilmaamay dadka Soo galootiga ah Mujrimiin mudan ineysan kusii sugnaanin dalka Maraykanka, waxaana dhanka kale uu ballan qaaday in maalinta ugu horeyso ee uu ku guuleysto xilka Madaxtinimada uu dhisi doono derbi wayn oo kala bara dalalka Maraykanka iyo Maxcico.
Wuxuu Trump codsaday in dadka Maraykanka ah ku taageeraan codkooda, islamarkaana kasoo horjeesteen Hellery Clinton oo u tartameysa xisbiga Dimuqraadiga.
Donald Trump ayaa caan ku ah jeedinta hadallo is burburinaya islamarkaana ay ka muuqao cadaawad toos ah oo uu u qabo dadka Muslimiinta ah, waxaana uu horay u ballan qaaday in hadii uu talada dalka la wareego gebi ahaanba Maraykanka ka saari doono Muslimiinta.