Wafdi ka socoda Xuuthiyiinta oo gaaray dalka Ciraaq.
Wafdi kasocoda kooxda Shiicada Xuuthiyiinta ayaa gaaray magaalada Baqdaad caasimadda dalka Ciraaq, si ay kulamo ula yeeshaan maamulka Rawaafida dalkaas oo kamid ah maamulada gacan ku rimiska ah ee sida wadajirka ah u aas-aaseen dowaladaha Maraykanka iyo Iiraan.
Wafdigan oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Baqdaad ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwna la yeeshaan mas’uuliyiin katirsan Shiicada Ciraaq oo uu ku jiro wasiirka arimaha dibadda maamulka Rawaafida Ciraaq ninka lagu magacaabo Ibraahim Al-Jacfari.
Sida ay ku warameen Rag la socoda Wafdiga, ujeedada Wafdigan Xuuthiyiinta katirsan u aaday Ciraaq ayaa lagu sheegay in Ictiraaf ay u raadinayeen maamul dhawaan Xuuthiyiintu ka dhiseen magaalad Sancaa.
Wafidgan ayaa ku wajahan dalal ay kamid yihiin Lubnaan si ay ula kulmaan madaxda dalkaas una helaan Ictiraaf ku aadan maamulkooda.