Waligaa Ma Aragtay 2 Qof oo nool diyo gaareyso 982 Halaad loo Xukmiyay.?(Maqal+Sawiro)

Kulamo dhawaanahaan beesha Ajuuraan ku lahayd gobalka jubada dhexe ayaa geba gebadii la isku af gartay in beeshu iska bixiso kun iyo shan boqol oo halaad oo diyo ahaan loogu leeyahay.

Waxaa la yaab lahayd in 982 halaad loo xugmiyay laba nin oo nool kuwaasoo xubnahooda waxyeelo darani gaartay in badan oo ka mid ahna dareenku ka tegay.

ugaasyada Ajuuraan ayaa xaflad ka dhacday magaalada Buu’aale ka sheegay in qabiilada labadaas nin ka soo jeedaan diyada in ka mid ah ka cafiyeen.

Waxaa shirarka Ajuuraan ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin in la dhowro midnimada beesha iyo in si wada jir ah ay diyada u bixiso iyo in ay si wanaagsan ula dhaqanto beelaha kale ee ay ood wadaagta ama deriska yihiin.

Ugaas Cabdulqaadir Macalin Cali (qooshoow) iyo Ugaas Cabdi-fitaax Cabdulqaadir Cusmaan ayaa ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay waxaanay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta qodobadaan iyo in beeshu jihaadka ka qeyb qaadato.

Kulanka waxaa lagu casuumay, culumada diinta islaamka iyo qaarka mid ah indheer garadka ay ajuuraan deris yihiin.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Ajuuraan.

Hoos Ka Daawo Sawirada Kulanka.

1 AjuuraanHILIB2 Ajuuraan3 Ajuuraan4 Ajuuraan5 Ajuuraan6 Ajuuraan7 Ajuuraan8 Ajuuraan9

 

You might also like
1 Comment
  1. Nuur xaaji says

    Waa sax in shareecada islaamka lagu xakumo sidaas ayaa fiicnaan lahayd in somalidu ku dhaqanto

Leave A Reply

Your email address will not be published.