Warbixin: Duuliyeyaasha diyaaradaha Maraykanka oo ka cararaya shaqadooda ( SABAB?)

441

Dowladda Maraykanka oo dagaal furan kaga jirto wadamo badan oo katirsan dunida Islaamka ayaa ka cabaneysa tiro yari soo wajahday duuliyayaasha diyaaradaha dagaalka ee ka howlgala wadamada dibadda.

Saraakiil sar sare oo katirsan dowladda Maraykanka gaar ahaan ciidamada Cirka ayaa xaqiijiyay in sanadba sanadka ka dambeeya ay sii yaraanayaan Duuliyeyaasha Diyaaradaha dagaalka, iyagoona arinkaas ku tilmaamay dhibaato aan loo dul qaadan karin.

Haweeneyda lagu magacaabo Deborah Lee James oo ah La taliyaha wasiirada ciidanka Cirka iyo kan hubka ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay aad u nuqsaameen Duuliyeyaasha diyaaradaha, islamarkaana haatan ay ka maqanyihiin 700 oo Duuliye marka loo eego tirada guud ee Duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo gaari jiray 3500 oo Duuliye.

Duuliyeyaasha ayaa intooda ugu badan waxay isaga cararayaan shaqada ah duulinta diyaaradaha dagaalka iyagoona ka door bidaya in si iskooda ah uga shaqeystaan diyaaradaha Ganacsiga ee dadku isaga kala gooshaan Caalamka.

Sababta rasmiga ah ee Duuliyeyaashu uga tagayaan shaqadooda ayaa lagu tilmaamay cabsi ay ka qabaan in diyuuradaha ay duulinayaan lagu soo rido wadamada ay kahowlgayaan iyo shaqadaas oo ah mid waqti badan qaadata oo Askariga ku keeneysa in dalkiisa iyo dadkiisa ka maqnaado waqtiyo aad u dheer.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa baadi goobaya duuliyeyaal haga diyaaradaha Droneska ee dhulka laga hago, waxaana xitaa lala yahay cid shaqadaas qabata inkastoo ay ka sahlantahay tan duulinta diyaaradaha dagaalka Maadaama laga rabo Duuliyuhu inuu diyaaradda saarnaado.

Deboorah oo katirsan Saraakiisha ciidamada Cirka Maraykanka ayaa sheegtay in haddii labada sana e e sooo socota la waayo cid buuxisa boosaska banaan ay ka dhigantahay dhibaato soo wajahday dowladda Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.