Warbixin: Xureynta Xalab waxay ka dhigantahay burburka Nidaamka.!
Jamaacaadka jihaadiga dalka Suuriya iyo kooxaha Kacdoonka oo is kaashanaya ayaa billaabay howlgallo waaweyn oo ay ku doonayaan iney go’doonka kaga qaadaan magaalada qadiimiga ah ee Xalab, taas oo dhawaantan gashay go’doon adag kadib markii maleeshiyaadka Nidaamka Bashaar Al-Asad ku guuleysteen iney la wareegaan wadada Al-Kastiyola oo ahayd mida kaliya ee u furan xaafadaha bari ee magaalada Xaalb.
Howlgalkan ballaaran oo ah mid aan loo kala harin ayaa dowrkiisa ugu weyn waxaa ciyaaraya Mujaahidiinta Jabhadda Fatxu Shaam iyo Muhaajiriinta kasoo jeeda dhulka Turkistaan, waxaana camaliyaadkii istish-haadiga ee lagu daah furay howlgalkn fuliyay labo Mujaahid oo katirsan Jabhadda Fatxu-Shaam.
Iclaamka Jihaadiga dhulka Shaam ayaa dhankiisa si hagar la’aan ah usoo tabinaya dagaalka masiiriga ah ee ka socoda magaalada Xalab, waxaana daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa la baahinayaa sawirada halyeeyada ka dagaallamaya Xalab iyo gumaadka ay u geysanayaan Shiicada iyo Nusayriyada isaga kala yimid daafaha Caalamka sidii ay u gumaadaan Ahlu Sunnaha Suuriya.
Khasaaraha Nidaamka kasoo gaaray dagaalka ka socoda magaalada Xalab ayaa gaaraya kudhowaad 100 Askari,waxaana saacadba saacada ka dambeysa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo kan dhaawaca, iyadoona ay intaas dheertahay in gacanta Nidaamka ay ka baxeen fariisimo iyo xaafado muhiim ah oo katirsan Xalab, waxaana markii ugu horeysay Mujaahidiintu gaareen xaafadaha galbeed ee Xalab oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku hayeen Shabiixada Bashaar Al-Asad.
Warbaahinta Caalamka noocyadodoa kala duwan sida kuwa reer Galbeedka iyo kuwa Carabta ayaa aad u hadal haya macrkada Xalab ay marti gelineyso, waxaana dadka wax taxliiliya ee la hadlaya Tvyada ay hoosta kawada xarriiqeen Ahmiyadda ay leedahay magaaladan oo ciddii si buuxda u qabsataa ka guulaneyso cadowgeeda.
Wargeyska the Times ee ku hadla luuqadda Englishka ayaa bogiisa hore kusoo qoray warbixin uu kaga hadlay Ahmiyadda ay leedahay magaalada Xalab, waxaana uu wargeysku sheegay in haddii magaaladan laga saaro Nidaamka ay ka dhigantahay in gebi ahaanba uu burburay islamarkaana uu cagta saaray wado aan dhamaad lahayn.
Wargeyska oo soo xiganaya baarayaal Reer galbeed ah ayaa sheegaya in jamaacada cusub ee Jabhatu Fatxu Shaam taas oo uu dhawaan ku dhawaaqay amiirkii hore ee Jabhadda Al-Nusr Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani ay dowr weyn ka cayaareyso macrkada Xalab, waxaana uu muujiyay sida Jabhaddda ay ugu guuleystay in Jamaacaadka kale ay ku mideyso macrakadan oo marka la eego dhanka Mujaahidiinta Suuriya u ah mid masiiri ayna yaqaanaan waxa xigi kara haddii lagu guuleysto.
Wargeyska the Times waxaa uu intaa ku daray in haddii si buuxda uu magaalada Xalab ula wareego Nidaamka uu go’doon xun kusoo rogi doono magaalooyin farabadan oo ay ka taliyeen kooxaha Jihaadiyiinta iyo Kacdoon wadayaasha kasoo horjeeda Nidaamka Asad uu hogaamiyo.
Josha Landez oo ah bare wax ka dhiga Jaamacadda Oklahoma ayaa sheegay in kacdoon wadayaasha Suuriya ay isla garteen in si wadajir ah ushaqeeyaan islamarkaana wixii ay awoodaan isugu keenaan dagaalka Xalab wuxuuna yiri “ waxaan aragnay sanadkii hore waxay ahaayeen in kacdoon wadayaashu ay garab istaageen Jabhadda Al-Nusra, waana arinka maanta sii kordhay”.
Ducaada Mujaahidiinta ee ku sugan dhulka Shaam ayaa codsaday in loo duceeyo Mujaahidiinta dagaalka kaga jira magaalada Xalab, waxaana xusid mudan in dagaalka Xalab ay si wanaagsan uga qayb qaadanayaan Caruurta iyo dadka taagta daran oo Taayeerada baabuurta ku gubaya wadooyinka si diyaaradaha hawada ku jira ay u jah wareeraan islamarkaana Taqadumka Mujaahidiintu usii socodo.