Warsame Joodax iyo Maxamed Axmed Guuleed oo Ka Dooday Ammaanka Muqdisho.(Maqal)
Dood Ay qabatay Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan ayna ka qeybgaleen ku xigeenkii hore dhanka ammaanka Gobalka Banaadir Warsame Joodax iyo Nabadoon Maxamed Axmed Guuleed ayaa lagu falanqeeyay arinta amniga Muqdisho oo Faraha ka baxay maalmihii lasoo dhaafay.
Warsame Joodax ayaa u arka in Ammaanka uu hagaagayo hadii ay isla shaqeeyaan shacabka Muqdisho iyo Dowladda Balse Nabadoon Maxamed Axmed Guuleed ayaa qaba inaysan jirin dowladda lala shaqeeyo oo ay yihiin maamul maqaar saar ah oo ay ku shaqeysato qaramada midoobay iyo dowlado kale.
Maxamed Axmed Guuleed ayaa sheegay in dalka uu gumeysi Muuqdo ku jiro.
Warsame Joodax ayaa aad udifaacayay mowqifkiisa balse waxaa la weydiiyay su’aallo adag oo qaar kamid ah jawaab uu uwaayay.