Weerar ka dhacay dalka Turkiga oo khasaare geystay.
Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa ku waramaya in waaberigii maanta oo khamiis ah weerar xoogan oo loo adeegsaday Gaari miineysan uu ka dhacay mid kamid ah magaalooyinka ay ku badanyihiin dadka Turkida ah oo ku taalla gudaha dalkaas.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan islamarkaana loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala eegtay Xarun Booliis oo ku taalla magaalada Oziq, waxaana uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Inta haatan lasoo wariyay waxaa weerarkan ku dhintay 3 Ruux, halka 120 kalana ku dhaawacmeen, waxaana burubr xoogan uu soo gaaray dhismaha xarunta Booliiska iyo kuwa kale oo kaabiga ku hayay.
Muuqaal kooban oo ay baahiyeen Tvyda dalka Turkiga ayaa muujinaya burburka lixaadka leh ee soo gaaray dhismaha xarunta Booliiska.
Qaraxan ayaa ah kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Oziq oo ay ku badanyihiin dadka Turkida ah oo taageersan Ordogan, waxaana loo badinayaa iney ka dambeeyaan maleeshiyaadka Kurdida oo doonaya iney ka go’aan dalka intiisa kale.