Wiil Muslim ah oo weerar ka geystay dalka Maraykanka.
Todobaadkan aynu ku jirno billowgiisa ayaa wiil dhalinyaro Muslim ah waxa uu weerar ku qaaday Muwaadiniin Maraykan ah isagoo adeegsanaya Mindi.
Wiilka weerarka fuliyay oo Maraykan Muslim ah ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 20 sano, waxaana uu muday Nin iyo Haweeney iyadoo mid kamid ah dhaawacyadaas uu yahay mid halis ah, islamarkaana markiiba loola cararay Cisbitaallada.
Wiilka ayaa markii uu weerarku geysanayay waxa uu ku dhawaaqayay Allahu Akbar, waxaana muuqata in weerarkan uu kamid yahay weerarada Kaliguu duulnimada ee ka dhaca Qaaradaha Yurub iyo Ameerica.
War kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay iney gacanta ku dhigeen wiilka Weerarkaas fuliyay, waxaana ay sheegeen in Maxkamad lasoo taagi doono.