Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Sarkaal Lagu Dilay Muqdisho.
Magaalada Muqdisho Waxaa Barqadii Maanta Lagu dilay Sarkaal Katirsanaa Dowladda Federaalka.
howlgal qorsheysan Ayaa Naftiisa Lagu dhaafiyay Yaxye Cali Aadan oo ahaa Gaashaanle sare ah oo ka tirsanaa Milatariga.
Ciidamo katirsan Dowladda ayaa soo gaaray Halka uu Dilka ka dhacay oo ah degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, waxaana ay qaadeen Maydka Sarkaalka.
Lama hayo ragga dilka gaystay iyagoo si nabad ay ku dheehantahay kaga baxsaday Halka Dilka ay ka gaysteen.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyada Dilka iyagoo howgalkan sheegay inuu qeyb ka ahaa weerarada qorsheysan Ay ku ugaarsanayaan Saraakiisha Dowladda.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana ku xoogaysanaya howlgalada ka imaanaya Alshabaab.