Abuu muscab “Goobaale wuxu ahaa nin u hagar baxsanaa la dagaalanka Mujaahidiinta”
Iyadoo Maanta Qarax istish’haadi ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho laguna dilay Genaral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada Sadaxaad ee dowladda Federaalkaa ah ayaa weerarkaas mas’uuladdiisa waxaa sheegatay xarakada mujaahidiinta Alshabaab.
Afhayeenka Dhanka ciidamada ee xarakada mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cabdi-Caziiz Abuu Muscab ayaa wareysi ay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxa uu ku sheegay in Goobaale ka qeyb galay Dagaalo badan oo Mujaahidiinta ka dhan ah kuwaasoo ka dhacay gobalo ay ka mid yihiin Banaadir, Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud.
Wuxuu tilmaamay in Goobaale muhiim u ahaa dowladda federaalka ah aanayna heli doonin nin bedelkiisa u gala amaba booskiisi u buuxiya.
“Goobaale wuxu ahaa nin u hagar baxsanaa la dagaalanka mujaahidiinta” sidaas waxaa yiri sheekh cabdi-caziiz Abuu muscab oo intaa raaciyay in mujaahidiintu juhdi badan ku bixiyeen sidii Goobaale loo dili lahaa aakhirkiina qorshahaasu maanta u suura galay.
Afhayeenka dhanka ciidamada ee xarakada mujaahidiinta Alshabaab sheekh cabdi-caziiz Abuu Muscab waxaa kale oo uu ka hadlay dagaal dorraad gabbal dhacii ka dhacay magaalada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo halkaasoo qasaare lagu gaarsiiyay ciidamada dowaladda federaalka ah.