Askar Badan oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Muqdisho.

qaraxWararka Naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax xoogan degmada Kaaraan Lagula eegtay Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

Qaraxa oo ahaa Miino Goobta Lagu Aasay ayaa si weyn looga maqlay inta badan Muqdisho.

Miinada ayaa lala eegtay Ciidamo isbaaro ay utiilay degmada Kaaraan ee Muqdisho.

inta la ogyahay 9 askari ayaa ku dhintay qaraxa.

Saraakiil katirsan Maamulka Degmada Kaaraan ayaa goobta yimid waxaana ay qaadeen maydadka askarta Dowladda.

Ammaanka Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana Magaalada si joogta ah kaga dhacaya weeraro ay gaysanayaan xarakada Alshabaab.

(https://www.harveymaria.com)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.