Banaan baxyo loog soo horjeedo Maleeshiyaadka Kurdida oo ka dhacay qaybo kamid ah baadiyaha Xalab.
Sida ay baahinayaan warbaahin si qota dheer ula socota dhacdooyinka dalka Suuriya, waxaa banaan baxyo looga soo horjeedo maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee dhawaanahan isku fidiyay deegaanno badan oo katirsan gobolka Xalab ay ka soconayaan deegaanada dhaca baadiyaha Xalab.
Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya dhaqanka foosha xun ee diinta ka fog ee ay ku dhaqmaan Malleeshiyada Kurdiyiinta, waxaana ay codsanayeen iney isaga baxaan deegaanadooda islamarkaana dadka deegaanku is maamulaan kaligooda.
Malleeshiyada Kurdiyiinta ayaa dhankooda meelaha qaar waxay rasaas nool nool ku kula eryeen dadka Shacabka ah, iyadoona lagu soo waramayo in qaar kamid ah dadka hor kacayay banaan baxyada loo taxaabay Xabsiga.
Deegaanada ay banaanbaxyadu ka dhaceen waxaa kamid ah Jacda, Qowzaaq, Bi’r Xasoo iyo deegaanno kale, waxaana banaanbaxyadu yihiin kuwa soo billowday dhowr maalmood kahor walina soconaya.
Malleeshiyaadka Kurdida ayaa iyagoo taageero ballaaran ka helaya dowladda Maraykanka dhawaan la wareegeen deegaanno nabdoonaa oo katirsan baadiyaha Xalab, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyey dhibaaatooyin ay lasoo daristay dadka Muslimiinta ah.