Banaan baxyo Rabashado wata oo ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Congo.
Maalintii Talaadada ayaa banan baxyo waaweyn oo rabshado wata islamarkaana ay soo abaabuleen Mucaaradka dalkaas loogana soo horjeeda madaxweynaha Congo ayaa ka dhacay dalkaas, kuwaas oo sababay dhimashada dad badan oo isugu jira Shacab iyo Booliis intuba.
Banana baxyada oo ahaa kuwa waaweyn islamarkaana lagu diidanaa dib u dhigista uu madaxweynaha Congo Jozev Capila ku sameeyay doorashada madaxtinimad oo lagu waday iney dhacdo bisha November, waxaana Mucaaradku tallaabadaas u arkaan mid uu madaxweynuhu ku rabo inuu kusii heysto talada dalka.
Ciidamo Booliis ah iyo qaar kamid ah banaan baxyaasha oo la sheegay iney hubeysnaayeen ayaa isaga hor yimid wadooyinka qaar, waxaana la is weydaarsaday Rasaas nool nool, taas uug dambeyn keentay dhimasho soo gaarta labada dhinac.
Inta haatan la hubo waxaa iska hor imaadyadaas ku dhintay 44 Ruux oo todobo kamid ah yihiin Ciidamada Booliiska, waxaana dowladda Jamhuuriyadda Congo banaan baxyadaas ku tilmaamtay kuwa hubeysan oo aan lagu tilmaami karin banaan baxyo nabdoon.
Madaxweynaha Congo Jozev Capila ayaa la sheegay inuusan isku soo sharrixi karin madaxtinimada maadaama ay ka dhamaatay inta jeer ee loo ogolyahay in madaxweynuhu kusoo laabto talada, waxaana taas ay ku riixeysaa inuu waqtiga Doorashada dib udhigo.