Cabdulqaadir Cali Yaroow “Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdi-rashiid waxay isku haystaan dhaqaale khasnadaha ku jira”

xasan-vs-cumarIyadoo khilaaf cusub ka dhex dilaacay madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha dowladda federaalka ah ayaa waxaa arintaa ka hadlay aqoon yahan Cabdulqaadir Cali Yaroow oo la socda arimaha siyaasadda soomaaliya.

Xasan sheekh iyo cumar Cabdi-rashiid oo mid waliba murashax u yahay xilka madaxweynanimada dowladda federaalka ah ayuu sheegayaa in waxa ay ku loolamayaanu yihiin dhaqalaaha khasnadaha ku jira oo mid waliba doonayo in uu la baxo.

xasan sheekh iyo cumar cabdi-rashiid waxay isku haystaan dhaqaala khasnadaha ku jira” sidaas waxaa yiri cabdulqaadir cali yaroow oo intaa ku daray in gumeysigii soomaaliya haysan jiray soomaalida ku bar baariyay in ninkii xil qabtaba wuxuu meesha ugu yimaado uu xado.

Cabdulqadir ayaa ku dheeraaday ka hadalka arimaha musuq maasuqa iyo wax is daba marinta aan geed lagula dugaaleyn iyadoo dharaartii la boobayo xoolaha umadda.

Cumar iyo xasan ayaa mid waliba wuxuu doonayaa in uu dowladda federaalka ah gudaheeda ku yeesho xulufo siyaasadeed si kan kale uu uga awood badiyo waxaana xasan soo saaray qodobo uu u arko in uu cumar ku cuna qabateyn karo oo ay ka mid yihiin in aan cid xil laga qaadi Karin, cidna la dalacsiin Karin cidna la magacaabi Karin ilaa dowlad cusub ka timaado.

Xiligaan kala guurka ah wuxuu nin waliba doonayaa in uu xado wixii uu awoodo ee ku jira qaanadaha dowladda federaalka ahu furayaasheeda hayso.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Cabdulqaadir Cali.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.