Ciidamo Ay Ku Jiraa Cadaan oo Xiray Ganacsigii Suuqa Bakaaraha.
Ciidamo Caddaan ah oo ay wehliyaan kuwa Amisom iyo Dowladda katirsan ayaa Saaka Ku Jarmaaday Suuqa Bakaaro Ee Magaalada Muqdisho.
Waxa ay Wataan Gawaarida Dagaalka iyo Kaamirooyin iyagoo diidaya in gudaha loo galo Suuqa amaba Laga Soo Baxo.
Mid kamid ah Dadka Ku Ganacsada Suuqa oo La Hadlay Alfurqaan ayaa sheegay inay istaajiyeen Ciidamo Caddaan ah oo hareeraha ay ka joogaan kuwa Afrikaanta Amisom.
“Meel ayay Na fariisiyeen daqiiqado kadibna way nasii daayeen iyagoo nagu amray inaan ka laabano Suuqa”ayuu yiri Ganacsadaha.
Meelaha Qaar Ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada ay kala soocayaan Haweenka iyo Ragga iyagoo sii daayay Dumar.
Wali Dowladda kama hadlin sababta ay uxanibtay Dhaqdhaqaaqii Ganacsi ee Ka Jiray Suuqa Bakaaraha oo ah Suuq ay ku xeranyihiin Dad badan.