Daawo: Mujaahidiinta Suuriya oo markii ugu horreysay Fuliyay Duqeyn Diyaarad Drone ah.

images

Wararka ka imaanaya dhulka barakeysan ee Shaam ayaa ku waramaya in Mujaahidiinta dhulkaas ay gaareen horumar ballaaran oo ku aadan dagaallada ka socoda wuqooyiga gobolka Xammaah.

Mujaahidiinta oo saacadihii lasoo dhaafay la wareegay magaalooyin iyo deegaanno Istiraatiiji ah ayaa markii ugu horeysay waxay fuliyeen duqeyn Diyaaradeed, taas oo ay la beegsadeen Xarun milliteri oo ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan Nidaamka Nusayriga.

Muuqaal ay baahisay Jamaacada Jundul Aqsaa ayaa lagu daawan karaa iyadoo mid kamid ah diyaaradaheeda duuliye la’aanta ah ay labo Saaruukh oo yar yar ku rideysa Mucaskarka ay Ciidamada Nusayriyada ku suganyihiin.

Inkastoo khasaaraha ka dhasahy duqeynta uusan noqon qaabkii la filayay ayaa hadana waxaa la daawan karaa iyagoo ay kala cararayaan Maleeshiyaadka Nusayriyada, waxaana dadka sida dhow ula socoda arimaha Suuriya ay sheegeen iney tahay markii ugu horeysay oo Mujaahidiinta Suuriya isticmaaleen diyaarad drone ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.