Dagaallo xoogan oo ka billowday Koonfurta Suuriya.
Qaar katirsan Jamaacaadka Islaamiga ah ee ka howlgala dhulka Shaam ayaa ku dhawaaqay Macrako lagu doonayo in deegaanada dhaca Koonfurta Suuriya looga nadiifiyo Maleeshiyaadka Nidaamka Mujrimka Bashaar iyo kuwa Shiicada ah ee Xisbullaat.
Dagaallada oo ah kuwa billowday maalintii shalay ayaa waxaa loogu magac daray Qaadisayatul Junuub, waxaana kooxaha ka qayb galaya kamid ah Axraaru-Shaam, Fatxu-Shaam, Jamaacat Baydil Maqdas iyo kuwa kale, waxaana bayaan wadajir ah ay soo saareen kooxahaas ay ku sheegeen in dagaalkoodu yahay mid sii socon doona.
Deegaannada ugu badan ee maalintii shalay illaa maanta ay dagaalladu ka socdaan waxay dhacaan baadiyaha Al-Quneydhara, waxaana Mujaahidiintu la wareegeen deegaanno Istiraatiiji ah oo ay ku jirto Al-Xumeyra, halkaas oo lagu xasuuqay maleeshiyaad Nusayri ah.
Muuqaallo ay soo saareen Jamaacaadka ka qayb galaya dagaalka islamarkaana dhanka hawada laga duubay ayaa muujinaya iyagooo ay cararayaan Maleeshiyaadka Nidaamka, islamarkaana Mujaahidiintu gacanta ku dhigayaan Qanaa’im farabadan oo ay ku jiraan hubka culus.
Dagaalkan ayaa sida ay ku waramayaan dad ku dhow dhow Mujaahidiinta waxaa lagu dooonayaa in go’doonka looga saaro magaalooyin badan oo ku yaala galbeedka Al-Quudha, waxaana la rajeynayaa Inshaa’Allah in maalmaha soo socoda guullo la taaban karo laga soo hooyo.