Dalxa “cuno qabateyn baa ku saaran dowlad baad tihiina waa lagu leeyahay’
Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyina ay la daalaa dhaceyso dowladda uu ka tirsan yahay.
Wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayuu dalxa ku sheegay in ciidamada shisheeye ee dalka ku soo duulay qaataan qarash fara badan halka kuwa soomaalida ahuna baahan yihiin.
wuxuu ka sheekeeyay sida dowladda federalaka ah loo bahdilayo asigoo yiri “cuno qabateyn baa ku saaran dowlad baad tihiina waa lagu leeyahay’
dalxa wuxuu tilmaamay in madaxda dowladda federalaka ah ilaalo gaar ah ka dhigteen ciidamada shisheeye oo aanay aamineyn wiilasha soomaalida ah.
Wuxuu aad uga cawday in marka madaxda dowladda federalaka ah asiga iyo xubnaha kale la kulmayaan ciidamada shisheeye ee albaabada jooga weydiinayaan aqoonsi iyo wixii la mid ah.
Asigoo hadlakiis asii wata xildhibaan maxamed cumar dalxa wuxuu qiray in khayraadka soomaaliya shisheeye boobayo geesta kalena xatooyo badan ama musuq maasuq ay ku kacayaan madaxda soomaalkida ahu,