Dhageyso:Ciidamada Itoobiya oo isaga Baxay Mokoqori.

itoobiyaWararka saaka Naga soo Gaaraya Gobalka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya Ayaa Ku Waramaya in Ciidamada Itoobiya ay isaga Carareen Magaalada Mokoqori.

Ciidamada ayaa Burburiyay dhufeesyadooda Waxaana ay Afka Saareen Magaalada Maxaas ee isla Gobalka Hiiraan,.

Maleeshiyaad Soomaali ah oo ku sugnaa Magaalada ayaa isku dayay inay ku hakadaan Magaalada oo Ay difaacdaan Balse Waxa ay ka war heleen ciidamo xoog leh oo shabaabka katirsan kuna soo wajahan Magaalada Taasi ayaana keentay in iyaguna Magaalada Ka Cararaan.

Magaalada ayaa haatan Haawanaysa waxaana sadax jaha Magaalada Kaga Wajahan Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Nabadoon Xaaji Cabdi Xiirey oo kamid ah odayaasha Dhaqanka Gobalka oo La hadlay Idaacadda Alfurqaan ayaa ka hadlay Xaalka Mokoqori iyo ciidamada ka huleelay Magaalada.

Halkan Ka Dhageyso Waraysiga Nabadoon Xaaji Cabdi Xiireey

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.