Dhageyso:Xarakada Alshabaab oo War Kasoo Saartay Qaadka La hakiyay.

Sheekh CaliDowladda Federaalka ayaa dhawaan ku dhawaaqday si kumeel gaar ah inay ujoojisay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Dalka Kenya.

Si dhab uma faafaahin waxa keenay inay hakiso diyaaradaha qaadka keeni jiray.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere oo Caawa waraysi siiyay idaacadda Alfurqaan ayaa ka hadlay sida ay u arkaan qaadka dowladdu sheegtay inay joojisay.

Sheekh Cali waxa uu sheegay in duulaanka lagu soo qaaday Soomaaliya  uu qeyb ka yahay qaadka oo lagu mashquulinayo dadkii la rabay in dalka ay difaacaan oo ay horumar gaarsiiyaan.

“Ragga Xamar Fadhiya warkooda iskuma toosnam dhankooda ayuu ka buray oo waxa uu kasoo degay Gaalkacyo.Guriceel Kismaayana Dooman ayaa Lagu keenaa”ayuu Yiri Sheekh Cali.

“Qaadka Ma joojin karaan kuwa madaxda sheeganaya maxaa yeelay  iyaga ayaa cuna“ayuu raaciyay hadalkiisa.

Asbaab badan ayuu sheegay dowlada inaysan ku joojin karin qaadka.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in qaadka laga joojiyay wadamo gaallo ah balse Soomaaliya aysan jirin cid ka naxaysa.

Sheekh Cali Dheere ayaa umada ugu baaqay inay kitaabka ulaabtaan oo ay iska difaacaan kuwa horarka ah ee kusoo duulay dalka.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Cali.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.