Diyaaradaha Yahuudda oo duqeymo ka geystay Jiidda Qazza ee dhulka Filastiin.

441

Waaberigii saaka oo Khamiis ah ayaa diyaarado uu leeyahay maamulka Yahuudda waxay duqeymo ka geysteen qaybo kamid ah deegaannada hoos yimaada magaalada Qazza ee dhulka Filastiin.

Sida ay sheegeyso wakaaladda Anaadool, waxaaa diyaaradahan katirsan Yahuudda ay duqeeyeen deegaan lagu magacaabo Bayt Laahiya iyo deegaan kale oo isaguna lagu magacaabo Al-Yarmuuk kuwaas oo dhamaantooda hoos yimaada Qazza.

Diyaaradaha ayaa beegsaday dhul Beerallay ah, oo ay ku yaalaan xarumo uu leeyahay garabka Milliteri ee ururka Xamaas ee lagu magacaabo Al-Qassaam, balse lama soo warin khasaare ka dhashay duqeymahaas.

Idaacadda ku hadasha afka Ciidamada Yahuudda ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay waxay baahisay khabar sheegaya in Saaruukh looga soo tuuray dhanka Qazza, waxaana laga yaabaa in warkaas uu gogol xaar u ahaa duqeymaha saaka Diyaaradaha Yahuuddu ka fuliyeen Qazza.

(diazepam)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.