Dowlado Carbeed oo lagu wado iney kaqayb galaan Aaska madaxweynihii hore ee Yahuudda.
Iyadoo dhawaan magaalada Talla’biib ee caasimadda maamulka Yahuudda uu ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Yahuudda kana mid ah aas-aasyaashii dowladda gacan ku rimiska ah ee xooga ku heysta dhulka Muslimiinta Filastiin ee Shimon Price ayaa waxaa soo baxaya warar xoog badan oo sheegaya in dowlado Carbeed ay ka qayb gali doonaan aaska ninkaas.
Warbaahinta Yahuudda noocyadooda kala duwan ayaa aad u hadal haya dowladaha Carabta ee kasoo qayb gali doona aaska Shimon, waxaana jira dowlado badan oo si toos ah ula xiriiray maamulka iyagoona u sheegay iney imaan doonaan Aaska Yahuudigaas.
Dowladaha illaa iyo hadda sida muuqata loo ogaaday islamarkaana Warbaahinta Yahuuddu shaaca ka qaadeen waxaa kamid ah dowladda Marooko oo u diri doonta Aaska Shimon mid kamid ah la taliyaasha ugu weyn ee boqorka dalkaas oo lagu magacaabo Muxamed Al-Saadis.
Waxaa sidoo kale kamid ah dowladaha wafdiga u diray halkaas dowladda Masar oo loo maleynayo in aaskaas ay uga qaby gali doonaan wasiirka arimaha dibadda Saamix Shukri iyo Madaxweynaha Fircoonka ah ee Siisi.
Sidoo kale dowladda Urdun ayaa ka qayb gali doonta sida ay sheegayaan macluumaadka laga soo xigtay warbaahinta Yahuudda, waxaana macquul ah in boqorka dalkaas uu tago Talla’biib islamarkaana janaazada Yahuudda kula tugto Shiman oo leh Taariikh madow kana qayb galay dagaallo badan oo lagu xasuuqay Muslimiinta.
Lama hubo in dowladaha Khaliijka iyaguna ka qayb gali doonaan aaskaas, balse waxaa suura gal ah in dowladaha Cumaan iyo kuwa kale ay si qarsoodi ah uga qayb galaan aaska loo sameynayo madaxweynihii hore ee Yahuudda Shiman Price.