Duqeyn Culus oo Lagu Garaacay Saldhiga Askarta Itoobiya Ee Halgan.

alshabaabWararka naga soo gaaraya Gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in Duqeyn Culus Lagu Qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Magaalada Halgan ee Gobalka Hiiraan.

Tiro Madaafiic ah ayaa La xaqiijiyay inay ku dhaceen Gudaha Saldhiga.

Holac ayaa ka baxay qeyb kamid ah Xerada iyadoo la rumaysanyaha inuu jiro qasaaro soo gaaray Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa duqeyntaasi kaga jawaabay madaafiic  aanan loo meel dayin.

Ciidamada Itoobiya ee Ku sugan Soomaaliya ayaa ah kuwa niyad jabsan iyagoo maalmahaan bilaabay inay faarujiyeen goobo ay kaga sugnaayeen gobalada Hiiraan iyo Galguduud.

Ciidamo aad ubadan ayaa Horay Itoobiya Looga Dilay  Halgan Markii Dagaalyahano Katirsan Xarakada Alshabaab ay weerar qorshaysan ku qaadeen ciidamadaasi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.