Dhageyso:Garaad Maxamuud oo Umadda Kaga Digay Doorashada.
Magaalada Muqdisho Waxaa Ka Socda Ololaha Doorashada Madaxtinimo ee Lagu Badalayo Dowladda Hadda Jirta ee Madaxda uyahay Xasan Sheekh.
Muqdisho Waxaa haysta Gumeyste Cariiri Galiyay Dhaqaalihii Umadda islamarkaana Xabsiyo ka sameystay Magaalada.
iyadoo Arimahaasi ay Jiraan ayaa Doorashada Dhacaysa Waxaa War kasoo saaray Odayaasha Dhaqanka ee Kasoo Jeeda Gobalka Banaadir.
Garaad Maxamuud ayaa Qeybaha Kala Duwan Bulshada kaga digay inay ku kadsoomaan Doorashada.
Waxa uu sheegay Waxa Socda inay yihiin Qorshe Dhigan oo Lagu boobayo Khayraadka Dalka.
Garaad Maxamuud Waxa uu Soomaalida usheegay in xalka ay ka raadiyaan kitaabka oo ay la shaqeeyaan Mujaahidiinta oo ah Cidda kaliya ee Dalkaan ka difaacaysa shisheeyaha.
Garaad Maxamuud Waxa uu sheegay Dowladahii shisheeyuhu soo dhisay inay fashilmeen Tan Hadda lasoo dhoob dhoobayana ay mari doonto wadadii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay.
“Dalka Soomaaliya Sacab Laguma soo Galayo Cadaab ayay dhadhaminayaan soo duulayaasha”ayuu Hadalkiisa Raaciyay Garaad Maxamuud.