Haweenay Muslimad ah oo lagu toogtay magaalada Paaris ee Faransiiska.
Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in haweenay Muslimad ah islamarkaana xijaaban lagu dilay deegaan hoos yimaada magaalada Paariis oo ah caasimadda dalka Faransiiska.
Sida ay sheegeen dad ku sugnaa magaalada uu ka dhacay dilka oo lagu magacaabo Banatan, qof hubeysan islamarkaana kaxeysanayay mootada dheereysa ayaa toogtay gabadhan Muslimadda oo da’ ahaan jirta 30 sano, isagoona markaas si nabad ku dheehantahay goobta uga tagay.
Ciidamada Booliiska oo kiisaska la xiriira Tacadiyaadka ka dhanka ah Muslimiinta si gaabis ah ula dhaqma ayaa goor dambe soo gaaray halka uu ka dhacay dilka, waxaana ay sheegeen in qofka dilka geystay uu baxsaday.
Nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta ayaa aad ugu soo badanaya dalka Faransiiska iyo guud ahaan wadamada Galbeedka, waxaana taas bedelkeeda ka dhaca dalalkaas weeraro Kaliguu duulnimo ah oo lagu laayo Dad Gaalo ah, waxaana wadamada sida aadka ah todobaadyadan weerarada ka dhanka ah Reer galbeedka uga dhacaan kamid ah Maraykanka oo marti geliyay weeraro dhowr ah oo isugu jira Qaraxyo iyo xoog ku gal intuba.