Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan oo dirtay Hambalyo ku aadan Ciidul Adxaa.

9201610263439

Bayaan qoraal ah oo uu soo saaray Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan Mowlawi Hibatullah, waxaa guud ahaan Umadda Islaamka si gaar ah Reer Afqaanistaan loogu hambalyeeyey soo gelitaanka mid kamid ah Ciidaha ugu farxada badan Muslimiinta oo ah Ciidul Adxaa.

Mowlawi Hibatullaah oo noqday amiirka Dhaalibaan wixii ka dambeeyey markii uu shahiiday Sheekh Mullaa Akhtar Mansuur ayaa waxa uu fariintiisu kaga hadlay arimo muhiim ah, isagoona Awaamiir iyo Towjiihaadba siiyay Mujaahidiinta Imaarada oo mudooyinkii dambe Allah ku manneystay Futuuxaad waaweyn.

Hibatullaah wuxuu ugu baaqay guud ahaan Wulaadda iyo maamulada wilaayaadka kala duwan ee Afqaanistaan iney dabaqaan Shareecada Islaamka si gaar ah deegaanada dhawaanahan laga taagay Raayada Towxiidka.

“ hadda Mas’uuliyadeenu way badatay, sababtoo ah inta ugu badan dalka waxaa gacanta ku haya Mujaahidiinta, waxaana la gaaray xilligii aan guran lahayn miraha Jihaadkeena soo jiitamayay 15 sano, islamarkaana aan xaqiijin lahayn Ahdaafta Jihaadka, waxaana ahdaafta Jihaadka ugu weyn Tadbiiqinta Sharciga Allah, xaqiijinta Cadaalada, fidinta Amniga iyo istiqraarka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Amiirul Mu’miniin Mowlahi Hibatullah.

Wuxuu dhanka kale talooyin siiyay Ciidamada Mujaahidiinta oo uu ugu baaqay iney Allah ka cabsadaan, islamarkaana ka fogaadaan iney cunaan Maal xaaraam ah, dhanka kale wuxuu ugu baaqay iney ilaaliyaan kana war qabaan Qoysaska Shuhadada, islamarkaana safkooda ka ilaaliyaan iney usoo dusaan dadka Mufsidiinta ah ee aan lahayn ujeedo kale oo aan ka ahayn in calooshooda u dhergaan.
Farriintan ayaa imaaneysa iyadoo maalmo qur ah naga harsanyihiin dabaal degyada maalmaha Ciidul Adxaa oo fooga nagu soo heysa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.