Jowlaani: Reer Shaam waxay maqli doonaan wax ay ku farxaan.
Tvga Afka carabiga ee Aljazeera ayaa baahiyay waraysi muuqaal ah oo uu la yeeshay hogaamiyaha guud jabhadda Jihaadiga Fatxu-Shaam ee ka howlgasha dalka Suuriya Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani, kaas oo ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo quseeya saaxada Suuriya.
Waraysigan oo habeenkii xalay oo Axad ahayd laga baahiyay shaashada Tvga Aljazeera islamarkaana saacado kadib lagu nashriyay baraha Internetka ayaa waxa uu soconayay 26 daqiiqo iyo qadar secoono ah, waxaana waraysiga la yeeshay Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani wariye lagu magacaabo Ad-ham Abul Xusaam.
Su’aasha ugu horreysa ee la waydiiyay Jowlaani waxay ahayd heshiis dhawaan ay wada gaareen dowladaha Maraykanka iyo Ruushka oo ku saabsan xabad joojin la dhex dhigo kooxaha Suuriya ka dagaalama iyo Nidaamka Bashaar Al-Asad, islamarkaana kaalmooyin banii aadamnimo lagu tilmaamay la geeyo magaalooyinka go’doonsan ee Xalab, waxaana heshiskaas xabad joojinta ahaa laga reebay Jabhadda Fatxu-Shaam, balse ma noqon heshiiskaas mid dhaqangala waxaana ka hor yimid inta badan Jamaacaadka Jihaadiga Suuriya oo ku tilmaamay heshiiskaas mid lagu mu’aamareyno halganka Reer Shaam ay kula jiraan Dhaaqiga Bashaar Al-Asad.
Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani ayaa la waydiiyay bal aragtidooda ku aadan heshiiskaas, waxaana uu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid mu’aamaro ah islamarkaana u adeegaya Nidaamka Bashaar Al-Asad.
Sheekha oo so qaadayaa tusaalooyin cad cad oo arinkaas muujinaya ayaa sheegaya in howsha ay u taagantahay qaramada Midoobay gaar ahaan wakiilkooda Suuriya Dimostora ay tahay sidii loo weecin lahaa hadafka ay Reer Shaam u jihaadayaan oo ah iney iska dul qaadaan Nidaamka islamarkaana ay taagtaan Nidaam Islaami ah.
Wuxuu intaa ku daray in wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Suuriya Lakhdar Ibraahimi oo ku guuleystay in Ximis uu ka saara Ahlu sunnaha islamarkaana ku wareejiyo Nidaamka Bashaar Al-Asad, halka wakiilkan cusub ee Dimostora ay howshiisa ugu weyn tahay sidii Xalab looga saari lahaa Muslimiinta looguna wareejin lahaa Nidaamka Calawiga Bashaar Al-Asad, waxaana heshiiskan ay wada gaareen Ruushka iyo Maraykanka uu ku tilmaamay mid muujinaya sida ay Reer galbeedku u garab taaganyihiin Nidaamka Bashaar Al-Asad.
Dhanka kale Amiirka Jabhadda Fatxu-Shaam Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani waxa uu waraysigiisa kaga hadlay arimo kala duwan,waxaana ugu muhiimsanaa oo uu soo hadal qaaday Hadafka Reer Shaam iyo waxay hiigsanayaan,wuxuuna sheegay inuu yahay Tadbiiqinta Shareecada Islaamka, isagoona meesha ka saaray in kacdoonkan Jihaadiga ah uu yahay mid ku salleysan cunta la cuno iyo caanada ay cabaan Caruurta.
“ Reer Shaam markii ay dibad baxyadu isugu so baxeen waxay yiraahdeen, Geerida ayaan ka xignaa Dullnimana maya, waxay u dul qaateen duqeymaha Baraamiisha, waxay u dul qaateen burburinta Guryahooda, waxayna sidoo kale u dul qaateen barakacinta si aan loogu dulleyn Nidaamkan dhaaqiga ah, Suurta gal uma ahan Reer Xalab oo ay dadku garanayaan in loo dulleysto qaar kamid ah Cunooyinka Quutul daruuriga ah, islamarkaana qadiyadaas laga dhigo halka ay arintu ku wareegsaneyso” ayuu yiri Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani, isagoona ku tilmaamay kacdoonka Suuriya mid mabda’ diineed ah.
ugu dambeyn waxaa Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani la waydiiyay hadal hayn mudooyinkii ugu dambeeyay ka jirtay saaxada Suuriya taas oo ah iney midoobi rabaan guud ahaan Jamaacaadka Suuriya, wuxuuna Sheekhu sheegay in mashruucaas uu yahay mid aad loogu baahanyahay ayna socodaan wadahallo ku aadan arinkaas kuwaas oo meel wanaagsan maraya, wuxuuna sheegay in qadiyadaas ay tahay mid ay isku wada waafaqsanyihiin guud ahaan Kooxaha Jihaadiga iyo dadka Muslimiinta ah, isagoona sheegay in ay jiri doonto mar ay arinkaas kuwada farxaan guud ahaan Reer Shaam.
waa markii ugu horreysay oo waraysi muuqaal ah lala yeesho hogaamiyaha Jabhadda Fatxu-Shaam tan iyo markii ay Jabhaddu ka guurtay magaceedii hore ee ahaa jabhadda Al-Nusra una guurtay magaca haatan ay ku howlgasho ee ah Jabhadda Fatxu-Shaam.
Maasha allaah waa arin lagu frxo in ey midoobaan kooxaha kala duwan ee ka dagaalama suuriya