Maamulka Alfurqaan oo Muslimiinta ugu Hanbalyeeyay Ciidul Adxaa.
Maamulka iyo shaqaalaha war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan waxay hambalyo u dirayaan dhammaan ummada Muslimka ah meel walboo ay dunida ka joogto gaar ahaan dadka ku xiran mareegta, youteup-ka iyo baraha kale ee idaacadda.
“Ciid Mubaarak, waxaana Allaah ka baryeynaa in ummada Muslimka ah uu dhibaatada ka dul qaado” Sidaasi waxaa lagu yiri’ war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan.
Sidoo kale wuxuu maamulka baraarujinayaa in Loo Kaalmeeyo oo La garab istaago dadka aan waxba haysan si looga farxiyo maalmahaan.
Waxaan Aqristayaasheena iyo dhagaystayaasheena ubalan qaadeenaa inaan sii laba jibaarno howsha ay nooga barteen ee ku salaysan soo tabinta dhacdooyinka xaqiiqda ku Qotoma.
الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد