Maamulka Yahuudda oo bilaabay dhismaha Derbi kala bara Qazza iyo dhulka ay xooga ku heystaan.
Sida uu baahiyay wargeyska Yadiicoot Axranoot ee kasoo baxa maamulka Yahuudda, waxay billaabeen Ciidamada Yahuuddu iney dhisaan Derbi weyn oo dheer kaas oo kala bara magaalada go’doonsan ee Qazza iyo magaalooyinka kale ee Yahuddu xooga uga heystaan Muslimiinta Filastiin.
Wargeyska oo la hadlay dadka ku sugan xad beenaadka Qazza iyo magaalooyinka kale ayaa sheegaya in Ciidamada Yahuuddu si deg deg ah ku bilaabeen mashruucan lagu doonayo sida Yahuuddu sheegeen in la isaga fogeeyo khatarta Yahuudda uga imaan karta Jamaacaadka Jihaadiga ah ee Qazza sida qarsoon uga howlgala.
Qorshaha Mashruucan oo warbaahintu baahiyeen saddex bilood kahor ayaa waxaa muuqaneysa in iminka si toos ah loo billaabay, waxaase su’aalo la iska waydiin karaa waxa uu soo kordhin karo.
Yahuudda qudhooda ayaa dhaliilsan tallaabadan lagu dhisayo Derbiga, waxaana ay ku doodayaan in amaankooda laba goorobo uu halis ku jiro aysana jirin waxa uu celin karo derbi meel laga dhisay.