Madaxweynaha Afgembiga Masar oo lagu wado inuu la kulmo Musharxiinta u taagan xilka Maraykanka.

441

Madaxweynaha maamulka Afgembiga dalka Masar Cabdi Fataax Al-Siisi ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu kula kulmo magaalada Newyork ee dalka Maraykanka musharxiinta Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee u tar-tamaya qabashada talada dalka Maraykanka ee kala ah Donald Trump iyo Hellery Clinton.

War kasoo baxay gudiga maamulaya Ol-olaha doorashada Trump ayaa sheegaya in Siisi iyo Trump ay si toos ah u wada kulmi doonaan islamarkaana ay kawada hadli doonaan arimo muhiim ah, waxaana Xisbiga Jamhuuriga uu ku eedayaa maamulka Obama inuu dowladda Masar siinin taageero fiican oo ku aadan la dagaalanka Jamaacaadka Islaamiga ah ee ka howlgala dalka Masar.

Dhanka kale Gudiga Qaban qaabinta Ol-olaha doorasho ee Hellary Clinton ayaa dhankooda baahiyay in Clinton ay la kulmi doonto Siisi maanta oo Isniin ah, waxaana kulamadan gooni goonida ah ee Siisi uu la yeelanayo Trum iyo Clinton ay ka dhigantahay mid loogu muujinayo taageero ballaaran iyadoo la ogyahay in Siisi uu ku kacay dambiyo waaweyn oo ay kamid tahay dil bareer ah iyo xabsida kumanaan Ruux oo Muslimiin ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.