Madaxweynihii hore ee Yahuudda oo geeriyooday.

images-1

Sida ay baahisay wakaaladda rasmiga ah ee ku hadasha afka maamulka Yahuudda, waxaa gebi ahaanba geeriyooday madaxweynihii hore ee maamulka Yahudda Shamcoon Biiris.

Wakaaladda oo soo xiganeysa Drka gaarka ah ee daawaynayay Biiris ayaa sheegtay inuu ku geeriyooday magaalada Talla’biib ee maamulka Yahuudda, waxaana uu da’ ahaan jiray 93 sano.

Ehalada ninkan geeriyooday ayaa diiday bixinta faafaahin intaas kabadan, waxaana laba isbuuc kahor ninkan la dhigay Cisbitaal ku yaala Talla’biib kadib markii uu lasoo dirsay xanuun dhanka maskaxada ah.

Wuxuu ninkan soo qabtay xilal kala duwan sida madaxweyne, Ra’iisul wasaare iyo jagooyinka wasiiro badan, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay dadkii sida weyn uga qayb qaatay aas-aaska maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Muslimiinta.

Dagaalladii xooganaa ee dhexmaray Muslimiinta iyo Yahuudda ayuu dowr muuqda kulahaa, waxaana lagu tilmaamaa inuu ahaa dagaal ooge dad badan oo Muslimiin ah waxyeelayay, balse iyadoo ay sidaas tahay hadana waxay Reer galbeedku sanadkii 1995 siiyeen billadda loogu magac daray Peace Price oo la siiyo dadka la sheego iney nabadda u ol-oleeyaan.

You might also like
1 Comment
  1. Subeyr Warsame says

    Alxamdu lilaah ,ilaahay naarta haku fogeeyo isaga iyo intii dhibaataysey dadka muwaxidiinta ah .

Leave A Reply

Your email address will not be published.