Malleeshiyaad Xuuthiyiin ah oo Afduubtay Muwaadin Ameerikaan ah.

5201571324

Wararka naga soo gaaraya magaalada Sancaa ee dalka Yaman ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan oo katirsan Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay afduubteen Ruux Ameerikaan ah oo ku sugnaa mudooyinkii ugu dambeeyay dalka Yaman.

Qofka la afduubtay oo ah Ameerikaan ayaa la sheegay inuu maamule ka ahaa Machad lagu barto Luuqadda Englishka oo ku yaala magaalada Sancaa, waxaana goobtiisa Iskuulka ah kusoo weeraray kooxo indha xiran oo sheegay iney yihiin ciidamada Amaanka ee Xuuthiyiinta.

Mid kamid ah Gabdhaha wax kabarta Machadkan oo la hadashay warbaahinta diideyna in magaceeda loo isticmaalo qalabka Warbaahinta ayaa sheegtay in macallinka la afduubtay lagu magacaabo Peter Williams.

Kooxaha soo weeraray Machadka ayaa ninkan Ameerikaanka ah waxay ula dhaqaaqeen goob aan la aqoon, waxaana la ogeyn sababta rasmiga ah ee arinkan ka dambeysa, walina ma jiro war kasoo baxay Xuuthiyiinta oo la xiriira arinkan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.