Muqdisho oo khaad lagu laba canlaynayo.(Maqal)
Kumnaan reer muqdisho ah ayaa ruugaya ceyrteeyaha iyo cudur sidaha khaadka kadib makrii shalay ay dib u biloowdeen duulimaadyadii ka keeni jiray dalka Kenya.
Dowladda federaalka ah oo qorshe aan caga badan ku taagneyn khaadka ku hakisay ayaa go’aankaas ka laabatay ka gadaal markii madaxweynaha Kenya oo arintaa ka carooday muqdihsho kula kulmay madaxweyanaha dowladda federalaka ah ee xilligiisu dhamaaday kana dalbaday in uu khadka fasaxo.
Xasan ayaa qaatay amarka loo soo jeediyay madaxweynaha dowladda Kenya uhuro kenyata oo warankii laga siibay ayaana dalkiisa dib ugu noqday maadaama uu ku guuleystay qorshihii uu u yimid.
Aqoon yahan maxamed xasan oo jooga muqdisho ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxa uu ku sheegay in khaadka aad loogu cunayo muqdisho.
Wuxuu tilmaamay in magaalada laga dareemayo buuq amaba sawaxan saa’id ah