Murusade iyo Cayr oo Ku Heshiiyay inay Kala Qaataan Diyo.(Maqal+Sawiro)
Beelaha Murusade iyo Habar iji ayaa Heshiis Ku gaaray Gobalka Galguduud Kuwaasi oo dhawaan ku dagaalamay Galbeedka Gobalka.
Dagaalka oo ka dhashay Dhul iyo Ceelal la isku qabsaday ayaa dhaliyay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh.
14 ruux ayaa ku dhintay dagaalka kuwa kalane wey ku dhaawacmeen waxaana ka dhashay barakac
Wilaayada Galguduud ayaa Durbadiiba ku baxday Colaada dhex martay Beelaha Walaalaha.
Ciidan xoog leh ayay wilaayada kala dhex dhigtay beelaha dagaalamay..
Jufooyinka katirsan Beelaha Habargidir iyo Murusade ee colaada dhex martay ayaa gogol loo dhigay Deegaanka Warxoolo ee Wilaayada Galguduud.
Maxkamad islaami ah ayaa kala xukuntay beelaha, waxaana xukunkaasi ku qancay waxgaradka kasoo jeeda labada beel.
Ugaaska Beesha Murusade oo goob joog u ahaa madasha beelaha loo dhigay ayaa goobta ka hadlay.
Waxa uu umahadceliyay ergooyinka beelaha kale iyo wilaayada Galguduud oo juhdi ku bixisay in heshiis la dhex dhigo beelaha.
Waxa uu dardaaran ujeediyay labada beel.
Gebagadii Munaasabada Waxaa Goobta Hadal ka jeediyay Waaliga Galguduud Sheekh Xasan Yacquub Cali.
HALKAN KA DHAGEYSO CODKA ODAYAASHA.