Obama iyo Madaxweynaha Filibiin oo kulan deg deg ah yeeshay.
Iyadoo dhawaan Madaxweynaha dalka Filibiin Rodoreego uu Aflgaado ba’an u geystay madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama islamarkaana taas ay baajisay kulan labada madaxweyne yeelan rabeen ayaa maalin kadib waxaa dhacday in si caadi ah u kulmaan labada madaxweyne dal.
Obama iyo Rodorego ayaa ku kulmay magaalada Laws oo uu ka socoda shirka dowladaha Asia, waxaana la sheegay in labada madaxweyne ku kulmeen hoolka dadka lagu sugo ka hor inta aan lawada casheynin.
War kasoo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay inuu jiro kulanka uu Obama la yeeshay dhigiisa dalka Fillibiin waxaase la xusay in kulanku uu ahaa mid gaaban islamarkaana hadalo aan badneyn la isku dhaafsaday.
Rodorego madaxweynaha dalka Filibiin ayaa daraad mar uu Shir jaraa’id qabanayay waxaa Aflagaado kula kacay Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama isagoona ku tilmaamay in hooyadiisu kamid tahya haweenka Jirkooda ka ganacsado.