Qaramada Midoobay oo Cambaareysay Tijaabada Kuuriyada Wuqooyi ay ku riday Gantaal Nuclear ah.

441

Iyadoo dhawaan dowladda Kuuriyada Wuqooyi ay riday mid kamid ah Gantaallada Nucelarka ee ay sameysato ayaa waxaa arinkaas aad uu u cabsi geliyay dowladaha Reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo ku tilmaamay tallaabadaas mid xad gudub ku ah Xeerarka Qaramada Midoobay.

Wasiirada arimaha dibadda ee Maraykanka iyo Ruushka waxay sheegeen in tallaabada Kuuriyada Wuqooyi tahay mid aan loo dul qaadna karin, loona baahanyahay in lagala xisaabtamo, waxaana John Kerry uu sheegay in Kuuriyada Wuqooyi ay dhowr jeer diiday in miiska wadahadalka ay timaado.

Banki Moon Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu dhankiisa sheegay in tijaabada Gantaalka Nuclearka ah ay si cad u jabineyso xeerarka iyo ballamaha u yaala Qaramada Midoobay.

Dowladdda Kuuriyada Wuqooyi ayaa tan iyo sanadkii 2006 oo ahayd markii ugu horreysay oo ay tijaabiso Nuclear waxaa saaran Cuna qabatayn dhanka dhaqaalaha ah, waxaana mar waliba ay tijaabiso Gantaal kale lagu soo kordhiyaa Cunaqabateynta iyadoo haatan ay muuqato in aysan waxba ka dhimin awoodeeda Milliteri.

(katieaustin.tv)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.