Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay dalka Maraykanka.
Dalka Maraykanka waxaa ka dhacay qarax xooogan kaas oo geystay dhaawacyo farabadan,
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino la dhigay goob qashinka lagu daadiyo oo ku taalla degmada Manhatan ee hoos timaada magaalada Newyork ee dalka Maraykanka.
Sida ay sheegayaan Saraakiisha Booliiska waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 29 Ruux, kuwaas oo ahaa dadkii marayay goobta uu Qaraxu ka dhacay.
Weerarkan oo ay aad u hadal hayaan Warbaahinta Maraykanka waxaa gudoomiyaha magaalada Newyork uu sheegay inaanu ahayn weerar Argagaxiso ah balse lagu tilmaami karo fal dambiyeed.
Ugu yaraan 29 Ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxan, walina lama soo warin wax dhimasho ah, waxaana suura gal ah in weerarkan uu yahay mid ay qaadeen dad Muslimiin ah balse warbaahinta Maraykanka ayaa arinkaas aad u qarisa.