Sarkaal Galmudug ka tirsan oo ka hadlay duqeyntii askarta looga laayay.(Maqal)
Iyadoo habeen hore Maraykanku duqeyn ku laayay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug oo joogay bariga magaalada Gaalkacyo ayaa sarkaal ka tirsan maamulkaasu wuxuu faah fahiyay qaabkii wax u dhaceen.
Maxamed calooleey oo ah xildhibaan baarlamanka Galmudug ka tirsan isla markaana ay qaraabo yihiin kuwa la laayay goobta wax ka dhaceena tegay ayaa wareysi ay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxaa uu ka sheekeyay qaabkii wax u dhaceen.
Wuxuu tilmaamay in ciidamada puntland iyo iyo kuwa maraykanku howl galka ka wada qeyb qaateen.
Wuxuu intaa ka daray in ka badan labaatan ruux oo ciidamada galmudug ka tirsan in halkaa lagu laayay.