Sarkaal sare oo katirsan Shiicada ka dagaalameysa Suuriya oo lagu dilay magaalada Xalab.

920162702634713

Inkastoo duqeymo xoogan oo waali ah ka dhacayaan magaalada Xalab islamarkaana ay magaaladu qarka u saarantahay iney gasho xaalad Banii aadamnimo oo aad u dhiban ayaa hadana dhanka kale waxaa soconaya dhiig bixinta ku soconeysa malleeshiyaadka Shiicada noocyadooda kala duwan ee dagaalka kaga jira Xalab.

Warbaahinta Shiicada Iiraan ayaa xaqiijisay dhimashada Hogaamiyihii guud ee kooxda shiiciga ah ee la magac baxday Casaa’ib Ahlul Xaq oo lagu magacaabo Muxamed Baaqir Sulaymaani isagoo ka qayb galayay dagaal dhexmaray Mujaahidiinta iyo ciidamada Bashaar Al-Asad oo ka dhacay magaalada Xalab.

Sarkaalka la dilay oo Iiraani ah ayaa laf dhabar u aha howlgallada milliteri ee Rawaafida iskaashaneysa ka wadaan magaalada Xalab, waxaana dhimashadiisa ay saameyn ku leedahay macnawiyaadka Malleeshiyaadka Rawaafida ee ku sugan Xalab.

Dhanka kale xaaladda guud ee magaalada Xalab ayaa wali sideeda ah, waxaana jir duqeymo meelaha qaar ka dhacaya, iyadoona Xarumaha Caafimaadku sheegayaan ineysan awoodin qaabilida dhaawacyo cusub maadaama kuwii hore ee soo dhaawacmay ay wali jiifaan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dhacay kudhowaad 1000 duqayn, waxaana shahiiday inkabadan 400 oo Ruux, waxaana wali go’dooonsan magaalada Ahlu Sunnaha leeyihiin ee Xalab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.