Sawirro:Cilmaani caan ah oo lagu toogtay bartamaha caasimadda dalka Urdun.

441

Wararka ka imaanaya dalka Urdun ayaa sheegaya in qof hubeysan uu toogtay Qoraa caan ah oo katirsan Cilmaaniyiinta dalka Urdun, xilli uu marayay afaafka hore ee qasriga cadaalada ee magaalada Cummaan caasimadda dalka Urdun.

Ninka la dilay oo caan ku ahaa ku jees jeesida dadka Muslimiinta ah si gaar ah Mujaahidiinta ayaa waxaa lagu magacaabaa Naahid Xatar, wuxuuna dhawaan baahiyay sawr gacmeed uu meel kaga dhacayo daatada Allah Cazza Wajalla.

Xeer Ilaalinta guud ee Urdun ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay ruuxii ka dambeeyay dilka Naahid Xatar, faafaahin intaas kabadana ma bixiniin dowladda Urdun.

Lama oga cidda sida rasmiga ah ugu dambeysa weerarkan lagu dilay Cilmaanigan, iyadoona laga yaabo inuu noqdo qofka ka dambeeyo dilkan ruux muslim ah oo ka carooday tallaabooyinka Jees jeesida ah ee ninkan uu caanka ku ahaa.

 

image1_92016251028265b2605401f84f9eb599e99849ab67f98e521e18aaccf0c8capimgpsh_fullsize_distr

You might also like
2 Comments
  1. Mxaqaani says

    Cilmaani maaha cilmina maleh kumana nasabsheegtaan cilmina jaan iyo cirib kumaleh ee waa calmaani waayo waxay aaminsanyihiin in ay caalamka kasoo uskumeen oo ay bagteeriyo iyo biyaha badda ay kayimaadeen

  2. Subeyr Warsame says

    Cidii dishay ilaahay wanaag ha kaga abaal mariyo . Isna baga ayuu ilaahay ummada dhaafiyey .

Leave A Reply

Your email address will not be published.